Waxaa maanta mar kale doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka ka dhacday magaalada Garoowe iyadoo lagu doortay saddex xildhibaan.
Xildhibaanada maanta lagu doortay Garowe waxay ahaayeen qaar ka mida kuwii ergada beelaha dooranaya ay ku sugnaayeen magaalada Garowe, iyadoo dhowaan Guddiga Doorashada Puntland uu sheegay inay dhaqaale la’aan u wadi karin Doorashada Aqalka hoose.
1-Cabdi Maxamuud Maxamed: Beesha Ugaar Saleebaan/Majeerteen
2-Daa’uud Maxamed Cumar Bisinle: Beesha Bahararsame/Dhulbahante
3-Faysal Cabdulle Guuleed: Beesha Reer Biciidyahan/Majeerteen
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS