Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil ayaa sheegaya in laba maxbuus ay isku dhex deldaleen xabsiga weyn ee Madheera.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in labadan maxbuus ee is daldalay mid ka mid ahi uu geeriyooday halka ka kalena laga bad baadiyey .
Magacyada labadan Maxbuus ayaa waxaa ay kala yahiin .
1. Marxuum Ibraahin Waceys Aden Oo dhintey
2. Cabdi Cali Xaashi Oo Isagu Nool kadib Markii Xadhiga laga Jarey .
Labadan maxbuus ayaa waxaa hada la keenay cisbitalka Guud ee magaalada Berbera isla markaana waxaa lagula tacaalaya xalaada caafimaad ee maxbuuska la bad baadiyey isaga oo aan dhiman.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS