X

Magacyada wariyayeyaal iskaga tahriibay dalka oo Turkiga ku xaniban: SAWIRO

Sedex wariye oo ka barakacday magaalada Muqdisho ayaa ku sugan xaduuda dalalka Turkiga iyo Greece iyagoo nabad galyo doon u ah dalalka Yurub.

Wariyaashan oo isugu jira labo wiil iyo hal gabar ayaa dhawaan kasoo tagay Soomaaliya kadib qatar dhanka noloshooda ah oo soo wajahday xili ay howlahoodii shaqo ku jireen.

Yassin Abuukar, Kowthar Abdirahman iyo Kamal Hassan ayaa haatan ku sugan xerada qaxootiga Moria oo ku taal deegaanka Lesbos, waana magaalo ay xaduud ka leeyihiin Turki iyo Gareega.

Wariye ushaqeeya warbaahinta reer Galbeedka oo la kulmay sedexdan wariye ee Soomaalida ah ayaa sheegay in wariyaashan ay nabadgalyo doon uyihiin Yurub.

“Sedexda Wariye waxaa ay ituseen kaararkoodii shaqada xiligii ay joogeen magaalada Muqdisho, xarumihii ay ushaqeyn jireen waxaa kamid ah — Kalsan TV, Horn Cable TV and Radio-ga iyo TV-ga Maanta iyo kuwa kale, dhamaantoodna waa kuwa ka yar 30 sano, shaqadooda saxaafadana ka bilaabay Muqdisho iyagoo wali aan gaarin da’da qaan gaarnimada”ayuu yiri wariyaha la kulmay sedexdan saxafi.

“Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ” Waxaa ay weeraro kala kulmeen argagixisada Shabaab marar badan, noloshoodii Soomaaliya waxaa ay aheyd halis, waxaana ay usoo carareen dhanka Giriig, si ay nabadgalyo uga dalbadaan Yurub”.

Dad kasoo jeeda Siiriya, Afghanistaan iyo Iraq ayaa ah kuwa ugu badan ee Jasiiradaas ay kula jiraan sedexdan wariye, inkastoo ay sidoo kale kamid yihiin dadkaas tiro yar oo qaxooti Afrikaan ah kana soo jeeda wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya Sudan, Eritrea, Ghana, Congo, Sierra Leone, Cameroon, Morocco, Egypt, Algeria, Mali, The Gambia iyo Uganda, dhamaan dadkaas ayaana nabadgalyo qaxootinimo ka doonaya Yurub.

Wariye Kowsar waa 21 jir gabar ah kana mid ah wariyaasha sedexda ah waxaana ay shaqada ku jirtay ilaa 16 sano jirkeedii.

Arinta ugu weyn ee haatan haysata sedexdan wariye ayaa ah heshiiskii ay xili hore dhanka qaxootiga ka gaareen Turki iyo Yurub kaas oo dhigaya in dadka kasoo galaya dhanka Turkiga aan loo ogolaan iney Yurub soo galaan.

Wariyaasha ayaa sugaya in kiiskooda go’aan laga gaaro, waxaa ay noqon kartaa in Turki lagu celiyo ama loo ogolaado iney Yurub magangalyo ka helaan.

Dowladaha Yurub ayaa xili hore go’aansaday in dadka ay iyadaga qaxooti ahaan udoonayaan ay kasoo qaadanayaan xerooyinka qaxootiga Turkiga halkii ay dadka si sharci daro ah kusoo gali lahaayeen.

Wariyaal badan ayaa kasoo barakacay Soomaaliya kuwaas oo nabadgalyo weydiistay dalalka Yurub, arimaha ugu waa weyn ee ay usoo barakaceen ayaa ah in noloshooda ay halis ugashay in la dilo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.