Dadka magangalyo doonka u jooga dalka Ingiriiska ayaa ka dacwoodey arin xun oo lagula kacay magaalo ku taala xeebta Woqooyi galbeed ee Ingiriiska laguna magacaabo Cardif.
Qoxootiga magangalyo doonka ee imanaya Ingiriiska ayaa ka yar kuwa tagaya dalalka Yurubta kale. Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa iyaguna cambaareeyay falka lagula kacay qoxootiga jooga magaaladaas.
Magangalyo doonka ayaa la takoorey taas oo gacanta looga xirey xadhko cas kadibna la yiri idinkoo xiran soo doonta cuntada sida quraacda, qadada iyo cashada.
Hay’adaha xuquuqal insaanka ayaa talaabadan ku tilmaamey in dadka la quursanayo loona isticmaalayo sidii xoolaha.
Haweenayda barlamaanka ugu jirta magaaladaas ayaa sheegtay in ay dacwad ka qortey arintan foosha xun loona balanqaaday in ayna ahayn sharci ka yimi waaxda socdaalka ee Ingiriiska.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS