X

Majaajilayste Boon Xirsi Bowdyo Gaab oo geeriyooday

Alle ha u naxariistee waxa caawa Magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Majaajilistaha caanka ah gayiga Soomaliyeed kaasi oo lagu magacaabo Boon Xirsi Bowdyogaab.

Marxuumka ayaa sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen eheladiisu ku geeriyoodey Caawa Fiidkii Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Hargeysa inkasta oo ay sheegeen in aanu jirin Xanuun hayay oo uu u geeriyoodey balse ay u timi tii Alle.

Marxuum Boon Xirsi ayaa ka mid ahaa Majaajilaystayaasha caanka ah ee aad ay uga heli jireen Bulshada Somaliyeed Riwaayadihiisa.

Waxaanu marxuumku oo aan Dhinaca Araga Naafo ka ahaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa Magaalada Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.