X

Maleeshiyo aargoosi qabiil u diley 4 ka mida ciidanka dawlada

Wararka aan ka helayno gobolka Galguduud ayaa sheegaya dilka in ka badan 3 askari oo ka tirsan ciidanka dawlada in lagu diley weerar gaadmo ah gobolka Galguduud. Ciidanka ayaa la sheegay inay ku socdeen Balanballe ayagoo ka soo baxay Guriceel oo iska gobolka ah.


Weerarkan fuleynimo ee loo gaystey ayaa maleeshiyadii dishey goobta ka baxsaday. Waxa jira dhaawac kale oo gaaraya ilaa 4. Maleeshiyada ayaa duurka u galay gaadhiga askartu fuushana kadibna rasaas ooda uga qaaday.

”Caadiyan dhaqanada noocana waxaad uga barataa dhiigmiiratada shabaab laakiin midkan waxa fuliyay sida goobjoogeyaal sheegayan dabley hubeysan una socda aargoosi qabiil ayuu yiri goobjooge. Ilaa hadda war saxa dawladu kama soo saarin.


Ciidamada dawlada ayaan ku socdaalin gawaadhi gaashaaman laakiin ku socdaala Cabdi Bille dusha ka furan waxayna u nugulyihiin in iyaga dhanba hal baasuuke lagu dhufto ayuu yiri Cali Calasow waana ta keentay in dhimashadu badato..

Si kastaba ha ahaatee gobolka Galguduud iyo kan u dhow ee Mudug ayaa waxa ka jira dagaalo jufeysan oo mudooyin badan soo noqnoqdey ilaa haddana uga socda si goos goosa deegaanadaas. Fuleyda weerarkan gaystey ayaa loo malaynayaa inay ka soo jeedaan Hawiye ku xiran kooxda madasha musharixiinta lamase xaqiijin karo ilaa hadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.