X

Maleeshiyo ka tirsan argagixisada shabaab oo la sheegayo in ay la wareegeen Wanlaweyn

Wanlaweyn–Maleeshiyo ka tirsan argagixisada shabaab ayaa xalay maqribkii soo galay magaalada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose iyadoo aan la garanayn in ay sii joogi doonaan iyo inkale. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadii jooge magaalada ay soo baxeen dhinacaas iyo garoonka Balidoogle.

Adeega isgaarsiinta magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya hase yeeshee korontadii magaalada ayaa ka maqan sida ay ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Wanlaweyn.

Ciidamadii ku sugnaa magaalada ayaa la sheegay in intooda badan ay isaga baxeen ayna galeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo ku yaal duleedka degmada Wanlaweyn halka qaar kalana ay u soo baxeen dhinaca iyo degmada Afgooye.

Goobjooyaal aya sheegay in masjidyada ay kala hadleen dadweynaha iyo fagaare ku yaal. Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo dowlada federalka oo ku saabsan xaalada degmada Wanlaweyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.