Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu diley oday da’ah iyo wiilkiis. Odayga ayaa lagu magacaabi jirey Xaashi Dhalin Guuleed iyo wiilka uu dhalay oo la odhan jirey Khaalid.
Maleeshiyada dishey ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen dilka kadib.”Jaahiliintan ayaana xaqdhowrin dhaqanka iyo diintu dadku leeyahay ee ah in aan la taaban maatada iyo biri ma geydada ayuu yiri Yuusuf Cabdi oo jooga deegaanka Wardheer.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal qabiilaysan uu halkaa ka dhacay maalmihii ugu dambeeyay ayana ku dhinteen tiro dhalinyaro midkaa uu ahaa aargoosi.
Masuuliyiinta gobolka Hiiraan ayaan welli wax wara ka soo saarin dhacdadan foosha xun. Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ayay dagaaladan qabiilka ku salaysan ka dhacayaan ayuu raaciyay Yuusuf Cabdi.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS