X

Maqaaxi argagixisadu markaste qarxiso oo markaste dib loo dhiso: SAWIRO

Waxa shalay markii afraad ay argagixisadu xadgudub diineed ku samaysay maqaaxi ku taal Muqdisho oo loo yaqaan Thr Villlage. Argagixisada ayaa xalaashatey dhiiga MUslimiinta ee diinta ka saaraan.

The Village ayaa waxaa isla maanta lagu bilaabay dib u dhis, Maamulka bar The Village, ayaa durbaba bilaabay in ay dib u dhisaan burburka maqaayadda ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee shalay ka dhacay afaafka hore ee maqaayadaasi.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa shalsay subax ka dhacay inta u dhaxeyso Ex Fiyoore iyo Xaruntii Golaha Murtida & Madadaalada ee National Theatre-ka.

Qaraxan oo sida la sheegay lala damacsanaa gaari uu la socday Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde, Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa ku qarxay wadada horumarta maqaaxida The Village, waxaana ku dhintay oo kaliya ninkii gaariga kaxeynaayay, iyadoo toddobo qof oo kalana ay ku dhaawacantay.

Dib u dhiska ayaa niyadjab ku ah argagixisada.

 

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.