Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa digniin ka soo saaray in la musuqo doorashada ka dhacaysa Somaliya si qaasana u digey muwaadiniintooda haysta dhalashada.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.
Safiirka Dalka Ingiriiska wakiilka uga ah Soomaaliya Harriet Mathews ayaa Barta ay Twitterka ku leedahay soo dhigtay digniin culus oo ka dhan ah Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee asalkooda ka soo jeedo Soomaaliya, waxaana ay uga digtay in ay ku lug yeeshaan Musuqa Doorashada.
Qoraaladan ayaa u muuqda in ay tahay sida kaliya ee wax looga qaban karo musuqa ka jira doorashada dadban maadaama ayana jirin kala dambeyn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS