X

Maraykanka oo ay ku cadaatey in uu la jiro argagixisada Daacish kadib weerar uu ku qaadey ciidanka Siiriya

Diyaaradaha Maraykanka ayaa weerar ku qaaday ciidanka Siiriya oo argagixisada ka xoreynaya magaalada Del-Zour ee bariga Siiriya. Weerarka diyaaradaha Maraykanka ayaa waxa ku dhintey ilaa 12 askari oo ka tirsan ciidankii weerarka ku jirey.

Maraykanka ayaa toos iyo si dadban ula jira argagixisada Daacish waxana cadaynaya weerarkan aan gabashada lahayn ee lagu qaadey ciidanka. ”Diyaaradaha Maraykanku waxay arkayeen halka weerarkayagu socdo laakiin waxay nagu soo tureen gantaalo ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Siiriya.

 Ruushka ayaa ka dalbaday qaramada midoobey in ay si deg dega iskugu timaado si looga hadlo xaaladan soo korodhey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.