Maraykanka ayaa sheegay inuu tijaabiyay nalka hubka loo isticmaalo oo ku tijaabiyay doon macmala oo uu dhigey badda Somaliya oo hadda noqotey meel ay iska haystaan reer galbeedku. ”Waxaan tijaabinay hubka nalka wax guba ah waxaanan ka gaarnay guul ayaa lagu yiri qoraal.
Tijaabadan oo dhacday Salaasadii ina soo dhaaftey ayaa marmarsiiyo looga dhigtey doonyaha dheereeya ee Iiraan iyo kuwa hubka culus saaran yihiin ee ay leedahay Iiraan.
Tijaabadan oo ay sheegay inay ka dhacday badda ay u yaqaanaan badda cas inagana inoo ah badda woqooyi ee dalka ayay ku sheegeen inay u dhaxaysay Somaliya iyo Yaman.
”Ma nasiib daro in badeenii noqotey meel hadda ay iska maamushaan reer galbeedku oo kolba cusboonaysiistaan marka ay rabaan ayuu yiri Cali Calasow laakiin taasi way dhamaan doontaa haddii madaxweynaha hadda soo noqdo ayuu raaciyay.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS