X

Maraykanka oo ka naxay gantaal cusub oo Ruushku tijaabiyay

Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay tijaabiyeen gantaal soo riday dayax gacmeed xumaaday oo halis ku ahaa dayax gacmeedka caalamiga ah ee isgaarsiinta aduunku intooda badan isticmaalaan.



Dayax gacmeedka aduunka ayaa 7 nin ee fuushan loo sheegay inuu ku noqdaan qolalkooda si loo soo daadgureeyo haddii jug ay soo gaarto uga timaada dayax gacmeedka la burburiyay. Ruushka ayaa hadda sheegay in burburku dhaafay.

Maraykanka ayaa ka cadhooday tijaabinta Ruushku tijaabiyay soo ridista dayax gacmeedkan inta badan loo isticmaalo basaasnimada gaar ahaan dhinaca milatariga.


Dayax gacmeed uu leeyahay Maraykanku ayaa sawiray milatariga Ruushka oo gantaalo iyo taangiyo u yaalaan magaalo aan ka fogeyn xadka Yukarayn. Gantaalkan uu tijaabiyay Ruushku ayaa ujeedadiisu tahay inuu markaaba hawada ka saaro dayax gacmeedyada uu leeyahay Maraykanku haddii dagaal dhaco.

Maraykanka ayaa ganataal noocana isna tijaabiyay dhawaan taas oo Ruushku uga digey inay mid la mida tijaabin doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.