Maraykanka oo ciidanka Amisom ku cameeyay gawaadhida Cabdibile. Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ee jooga Somaliya ayaa gaadiidkaas si rasmi ah ugu wareejiyey taliska qeybta koowaad ee ciidamada AMISOM oo fariisinkoodu yahay Muqdisho.
Gaadiidkan ayaa waxa la sheegay inuu yahay mid casri ah oo ay ku rakiban yihiin qalabka digniinta ka sii bixiya waxyaabaha qarxa ee lagu aaso wadooyinka.
Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka mahad celiyey gaadiidkan ay ugu deeqday dowlada Maraykanka.
Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa taageero la xiriirta dhinaca tababarada iyo qalabkaba siiya ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira argagixisada Shabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS