X

Maraykanka oo dedejiyay xilka ka qaadista Cimraan Khaan

Waxa xilli dambe caawa xilkii dalkaasi laga tuuray raiisal wasaare Cimraan Khaan oo sida larumaysan yahay uu xil ka tuuristiisa qayb weyn ku lahaa Maraykanka oo adeegsanaya ciidanka Bakistaan.


Codka kalsoonida oo marar badan dib loo dhigey ayaa ugu dambeyn la qaaday markii uu is casilay afhayeenka Bakistaan oo raacsanaa xisbiga cusub ee Bakistaan oo xilka dalka hayay muddo sadex sanno ah.

Taliyaha ciidanka Bakistaan ayaa sheegay in dalkiisu xiriir fiican la leeyahay Maraykanka taasina ayan ka dhignay haddii wadamo kale la wanaajiyo xiriirkooda in laga wareegay Maraykanka. Hadalka taliyaha ayaa ku sdocday Cimraan Khaan oo toos ula xirtey Shiinaha iyo Ruushka.


Raiisal wasaaraha hadda la riday ayaa mucaaradka dalkaasi baryahanba ku dheganaayeen isagoo u eedeeyay inuu ku yimi musuq baahsan oo ciidanku ka dambeeyay, inta badana ma ictiraafsanayn doorashadiisa.

Waxa ugu dambeyn uu lumiyay kalsoonida xildhibaanadiisa, waxase codka looga adkaaday markii xisbiyo kale ay iyagu ku biireen mucaaradka. Waxa Cimraan Khaan bedeli doona shaqsiga mucaaradku soo xusheen ee Shahbaas Shariif oo 70 jira oo ay walaalo yihiin raiisal wasaarihii xukunka laga tuurey ee Nawaas Shariif.



Waxa ay Maraykanku aad uga xanaaqeen booqashadii uu Cimraan Khaan ku tagay Ruushka iyo is-gaadhsiinta ciidanka oo uu u wareejiyay dayax-gacmeedka Shiinaha halka awal ciidanku isticmaali jireen is-gaarsiinta Maraykanka ee loo yaqaan GPS.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.