Maamulka Trump oo hore ugu hanjabay inuu hakin doono iibka diyaarad dagaal oo nooceeda la yiraa F-35 oo Turkigu qayb ka yahay dhismaheeda ayaa hadda ku dhawaaqay inay hakiyeen. Turkiga ayaa diidey in loogu hanjabo ama loogu cagajugleeyo haddii uu joojin waayo iibka gantaalaha Ruushka in diyaaradan dagaal ku deysay.
Maraykanka ayaa hadda diyaar u ah inuu Turkiga ka iibiyo gantaalaha lidka diyaaradaha ee isagu sameeyo si uu u jojojiyo gantaalaha lidka diyaaradaha ee uu heshiis kula saxiixay Ruushka kuwaas oo qaybtooda hore la keeni doono bartanka sanadkaan.
Erduqaan ayaa hore u sheegay in aan la adoobsan karin dadkiisa iyo dalkiisa. Maraykanku hore ayuu noogu diidey inyu naga iibiyo bastoolad xataa maantana wuxuu nala baryayaa inaan hubkiisa waaweyn iibsano. Ma,soconaysi heshiiska Ruushka waa sidiisii.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS