X

Maraykanka oo ka digey amniga Somaliya guud ahaan

Maraykanka ayaa ka digey amniga Somaliya guud ahaan. Warbixin ay soo saartey wasaarada socdaalka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada laga gaysto Somaliyua guud ahaan.


Dhinaca Koofurta dalka waxa jira dilal qorsheysan iyo kuwo is qarxin oo ay gaystaan kooxda gaaleynta Muslimiinta ee Shabaab iyo Daacish waxana halis u jira qofkasta oo ay gaaleeyaan ayagoo xalaashada dhiigiisa iyo maalkiisa.


Gobolada Puntland iyo Somaliland ayaa warbixintu tiri waxa jira jidgooyin halis ku ah isku socodka dadka, ayadoo weliba ay sii korodhey amni xumada meelaha qaar.

Waxa si gaara warbixinta farta loogu fiiqey weeraro ay qorsheynayan kooxaha gaaleynta Muslimiinta ee Shabaab iyo Daacish ayna ka gaysan doonaan goobaha dadku ku badan yihiin sida maqaaxiyaha, dekedaha, garoomada diyaaradaha, hudheelada, suuqyada iyo dhismayaasha.


Kooxdan ku mayrta dhiiga Muslimiinta ayaa lagu yaqaan inay jecelyihiin xasuuqa faraha badan.

Soo akghrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.