Maraykanka ayaa xirey saldhig dhinaca cirka ah oo uu ku lahaa Itoobiya kaas oo uu u adeegsan jirey diyaaradaha aan la wadin ee ugaadhsan jirey argagixisada calamka ee shabaab. Sababta ayaa loo aaneeyay in uu yaraadey bartilmaameedka ka Jira hadda gudaha Koofurta Somaliya maadaama ay jabeen argagixisadu.
Sida ay qoryey jariidada Reporter ayaa sheegaysa in madaarkaasi hadda ay la wareegeen ciidamada difaaca ee Itoobiya. Saldhiga ayaa Maraykanku ku bixiyay lacago badan si fiicana u dhisay.
Jariidada waxa ay leedahay saldhigyada ay ciidamada ka baxeen ayaa waxa ay adeegsigooda bilaaben sanadka 2011-ka halkaasi oo ay ka kacaayen diyarada Droneska ee aan cidi wadin ee lagu bartilmaamaysaday hogaamiyaal ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabab.
Jariidada waxa ay sidoo kale xusay in intii u dhaxeeysay 2009 ilaa 2011 uu Maraykanku ku bixiyay malaayin doolar oo loogu adeegayay danaha askarta ka joogtay Itoobiya.
Saldhigaasi ayaa waxaa hadda lagu wareejiyay ciidamada Ethiopia,waxaa xusid mudan in xukuumada Washington ay si aad ah u diyaarisay saldhigaasi,sanadkii tagay ee 2015 ayaa Mareykanka waxa uu Ethiopia ku wareejiyay diyaarad nooca ciidamada qaada ee C-130 Hercules.
Maraykanka ayaa xulafo weyn la ah Itoobiya siiba la dagaalanka argagixisada taas oo uu gacan ka gaystey sirdoonka xilliyada ciidamada Itoobiya weerarka kula jireen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS