Marayakanka ayaa si xun uga qayliyay gantaalo ridadoodu tahay meelaha dhexe laakiin qaadi kara hubka nukliyeerka isla markaana bartilmaameedkoodu sax yahay. Gantaalahan oo Iiraan tijaabisey tobankii bishan Oktoobar ayaa ridadoodu gaarayaan ilaa 1000 mayl waxay IIraan ugu magac dartey Emad. Maraykanka ayaa sheegay in uu qaylo dhaanta gaarsiinayo dhamaan wadamada ka soo horjeeda hubka Iiraan.
Maraykanka ayaa sheegay in hubka Iiraan tijaabisey horaantii bishan uu aad uga khatarsan yahay kuwii ay haysatay ee hore isla markaana ay saxan tahay halka uu ku dhacayo. Iiraan ayaa hore dayaxa ugu dirtey gantaalo ay ku tilmaantey in uu ka caawinayo isgaarsiinta.
Gantaalkaas Iiraan u dirtey dayaxa ayaa reer galbeedku ku sheegeen in tiknoolajiyada loo isticmaalay loo isticmaali karo gantaalo rido dheer oo gaari kara Maraykanka iyo Yurub waana ta Maraykanku aad uga baqayo laakiin aanu waxba ka qaban karin.
Maraykanka ayaa sheegtay in arinta gantaalahan uu ula carari doono dhinacaas iyo qaramada midoobey si IIRAAN loo saaro cunaqabatayn kale. Lama garankaro in Ruushku taageeri doono cunaqabatayn cusub.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM