X

Maraykanka oo ku faanay inuu dhisay ciidan aan hoos tagin dawlada dhexe

Sida ay qortey wargoys ka soo baxa dalkaasi Marayanka ayaa waxa Maraykanku ku faanay inuu ka dhisay Butlaan ciidan aan hoos tagin dawlada dhexe. Waxa sidoo kale Ingiriisku u dhisay maamulka Somalilaan ciidan afkooda qalaad loogu bixiyay RRU.


”Dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu talogalay in lagu diciifiyo awooda lagu soo celinayo qaranka, ayagoo abuurayo ciidan maleeshiyo ahaan u dhisan oo ka amar qaata iyaga ayuu yiri Xuseen Warsame.

Ciidanka Turkiga uu dhisayo ayaa ah ciidanka keliya ee ka maar qaata dawlada oo aan ku abtirsan karin jufo laakiin u adeegaya qaranka waana sida aan aragnay baryahan.


Haddii dawlada soo socota ay rabto inay kordhiso awoodeeda waa inay dhisataa ciidan farabadan oo iyada hoostaga meeshana laga saaraa ciidan shisheeye dalka ka dhex dhisto.



”Way ku qasban tahay in dhamaan ciidanku iyada hoostago ayna meesha ka saarto kuwa shisheeyaha faraah ku hayo ayuu raaciyo Xuseen Warsame.

”Waan ka qaadanay ciidanka aan ka dhisnay Butlaan qalabkii wax lagu arkaayay habeenka ayuu ku faanay ninu hadlay sirdoonka Marayanka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.