X

Maraykanka oo markii 3-aad diidey in Yuhuudu joojiso xasuuqa

Madaxweynaha Maraykanka ayaa markii 3-aad hor istaagay inay Yuhuudu joojiso xasuuqa ay ka wado xerada qaxootiga ee QAASA. Yuhuuda ay shalay fulisay xasuuqii ugu xumaa kadib markii ay dishey hal qoys oo ka kooban 10.


Kulan qaramada midoobay ay lahayd ayuu Maraykanku diidey markii sadexaad in marka hore la joojiyo xabada kadibna laga hadlo waxa laga yeelayo xasuuqa Yuhuuda iyo dhulboobka socda.

”Aduunkii wuxuu isku raacay in la joojiyo dhiiga daadanaya waxase qoraalkasta hor istaagay Maraykanka ayuu yiri safiirka Shiinaha u fadhiya qaramada midoobey.


Safiirka Noorway ayaa iyaguna dalbadey in degdeg loo joojiyo xasuuqa ee aan lagu xiran wax shuruuda, waxase hadda na hortaagan Maraykanka.


Si kastaba ha ahaatee Maraykanka oo ah taageeraha ugu weyn Yuhuuda ayaa la gaaray hubkii ugu badnaa in qalabka isgaarsiin oo casriya halka xerada qaxootiga ee QAASA ay go’doon ka tahay dhinac kasta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.