X

Maraykanka oo qirtey in uu weerar ka gaystey Mudug iyo cida la weeraray

Afhayeen u hadlay dawlada Mareykanka ayaa si aan wanaagsanayn uga hadlay duqeymo ciidanka Mareykanku ka geystay deegaano ka tirsan Galmudug.

Afhayeenkaa oo gaar ahaan u hadlay waaxda gaashaan dhigga ee Mareykanka laguna magacaabo Jeff Davis ayaa ka hadlay duqeymahaa. Wuxuu sidoo kale ka hadlay duqeymo ciidamada Mareykanku ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose.

Waxaase la yaab leh in uu sheegay dad ku waxyeeloobay oo xataa qaarkood duqeymihii Mudug ee Galmudug lagu dilay in aysan ahayn cadawga.

Jeff Davis ayaa asagu ka hadlaayay shir jaraaid oo la qabtay shalay Arbacadii. Markii hore ayaa warar soo baxay sheegeen in waxa duqeymaha lagu bartilmaameedsaday ay ahaayeen argagixisada shabaab hase ahaatee.

Waxay Galmudug ku nuuxnuuxsatay in ciidamadeeda qaar ka tirsan oo deegaanada Galmudug qaar ka waday biyo dhaamin la duqeeyay ayadoo ku eedeysay duqeymahaas ciidamada Mareykanka iyo kuwa Puntland, waa sida hadalka loo dhigaye.

Wuxuu sheegay inay dileen 9 ka tirsan Al-Shabaab. Marna ma Al-shabaabaa, marna ciidamada Galmudugbaa?

‘Ciidamo tiro yar oo taageeraya dawlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Soomaaliya naga jooga’. Wuxuu sheegay in weerarada ka dhacay labada gobol ee Jubada Hoose iyo Mudug ay ahaayeen is difaacid.

Weerarka Maraykanka ayaa isku direy maamul jufeedyada Galmudug iyo Puntland

Puntland ayaan wali ka hadlin eedeyn uu usoo jeedshay oo uu sheegay in ciidamadeedu qeyb ka ahaayeen weerarka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.