X

Maraykanka oo Ruushka u sheegay xilliga uu soo hubaynayo dabadhilifka Yukrayn

Lixdii bilood ee u dambaysay ayaa Ruushku hakiyay weerarka uu ku xoraynayo dhulka dadkiisu degaan ee welli gacanta ugu jira dabadhilifka ay ku adeegtaan ee Yukrayn. Maraykanak oo ka baqaya Ruushka si toosana dagaalka u soo gali karin ayaa xitaa diiday inuu hubkiisa horkeeno ciidanka Ruushka.



Waxase uu soo aruuriyay hub uu ka soo guray Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Yurubta bari oo iyagu welli haysta hubkii midowga Soofeeti. ”Waa la baqay kaarihiisa waxayse qasab ku noqotey markuu Jarmalku diidey inuu bixiyo kiisa ayuu yiri Xuseen Warsame.

Xulafada fulaha Maraykanku hogaamiyo ayaa soo aruuriyay ilaa 400 oo taangiyada dagaalka oo intooda badan uu leeyahay Jarmalka, Ingiriiska iyo kuwo kale oo laga keenay Yurubta bari waana kuwa ay isku halaynayaan inay weerar togaal celina ku qaadaan Ruushka.



Weerarkan rogaal celinta ayay lix bilood soo dihanayeen ayagoon hurayn hubkooda ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Ruushka ayaa sheegay in dhamaan gubi doonaan taangiyada iyo kaarayaasha ay soo wadaan, Ingiriiskana uga digey inuu ciidankiisa ku weeraro nukliyeer lagu shubo qolfaha madaafiicda,



Tani ayaa soo baxaysa xilli sir weyni ka fakatey Maraykanka sirtaas op lagu faafiyay baraha bulshada, ayadoo sirtu ka hadlaysay hubka iyo ciidanka ay haystaan iyo sida ay Ruushka ku weerari karaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Maraykanka ayaa Ruushku kaga jawaabay keena waxaad isla haysaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.