X

Maraykanka oo Salafiyiinta Sucuudiga u sheegay in la qaado cunaqabataynta la saaray akhwaanka Qadar

Rex Tillerson, chief executive officer of Exxon Mobile Corp., speaks at the 2012 CERAWEEK conference in Houston, Texas, U.S., on Friday, March 9, 2012. Exxon Mobil Corp. is moving toward the conclusion of an agreement to drill in the Russian Arctic, Tillerson said. Photographer: F. Carter Smith/Bloomberg via Getty Images

Maraykanka ayaa Salafiyiinta Sucuudiga u sheegay in la qaado cunaqabataynta la saaray akhwaan Muslimiinka Qadar. Wasiirka gaashaandhiga Maraykanka oo ka baqay in Qadar xiriir toosa la xirato Iiraan ayaa Salafiyiinta Sucuudiga u sheegay in la qaado.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ay timi xaalad bani aadamnino sidaaa awgeedna ayna socon Karin cunaqabatayna la saaray Qadar oo ah dal yar oo dhulka beriga la wadaaga Sucuudiga.



Urur diimeedka Sucuudiga ee Salafiyiinta oo si xun ugu faafay dalalka Muslimka ayaa colaad xun u qaba urur diimeedka kale ee akhwaan Muslimiin oo labaduba ka dagaalama Siiriya kuna fashilmey in ay xukunka ka tuuraan madaxweynaha dalkaasi.

Labadan dal ayaa taageera argagixisooyinka ugu xun aduunka sida Daacish, Al Nusra, Shabaab, Talibaan iyo Bokoxaraam waxayna toos ugu xiran yihiin Yuhuuda iyo Maraykanka.



Cunaqabatayna la saaray Qadar ayaa keentay in uu faaruqo garoonka caalamiga ee Dooxa ayadoo tan ugu xuna ay tahay cunto yaraan inkastoo Turkiga oo ay isku urur diimeed yihiin Qadar uu cunto la soo gaaray aan ku filneyn.

Maraykanka ayaa sheegay in ay tani sababtey in caruurta iyo waalidku kala lumaan dhinaca kalana keentay in dalka laga kala cararo. Salafiyiinta Sucuudiga ayaa dalbadey in Qadar joojiso dagaalka ay ka wado Liibiya iyo Siiriya xirtana idaacada sumeysay Carabta ee Aljazeera.



Idaacadan Aljazeera ayaa xoog u taageertay akhwaan Maxamed Mursigii laga tuurey xukunka Masar ayadoo argagixisada ka dagaalama Siiriyana ugu yeerta ”dawlad”.

Amarka ka soo baxay Maraykanka ayaa la filayaa in Salafiyiinta Sucuudigu fuliyaan si deg dega.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.