Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka joojisay gacanku dhiigle Salmaan oo sheegta boqor dalkaasi Sucuudiga hub khatara oo lagu gumaaday Yaman.
Hubkan Maraykanku joojiyay ayuu Salmaan ku xasuuqay 200 oo Yamani ah halmar bihii tagey kadibna beeniyay in uu xasuuqa gaystey mardambana qirtey.
Hubkan Maraykanku ka iibiyayu gacan ku dhiigle Salmaan ayaa ku kacaya bilyano doolar wuxuu hubkan siiyay sanadihii 2013, isagoo u tababaray diyaaradaha lagu ridayo.#
Gacanku dhiiglaha Sucuudiga ee boqrka sheegta iyo in uu masuul ka yahay xaramka ayaa dagaal u gaara urur diimeedkiisa Salafi iyo Daacish kawada Yaman.
Waxa ku dhintey dagaalkaas kumanaan Yamani halka qaarkoodna gaajo iyo macaluul ugu dhimanayaan wadamo fiqiira oo Somaliya ka mid tahay.
Dawlada Maraykanka oo bixisa sirta gobaha la weerarayo ayaa joojisay sirtaas, sheegtayna in xiriirka amni ee u dhexeeya iyaga iyo gacanku dhiigler Salmaan aanu ahaan mid iska furan oo hoo ah oo ay ilaalin doonaan xuquuqda dadka.
Barak Obama oo xilligiisii dhacay ayaa u muuqda in uu iska dhigayo nin ku adag Sucuudiga oo Maraykanka iyo Yuhuuda ka iibsada hubka ugu badan, xilli Trump sheegay in uu bedelayo siyaasadaas.
Talaabadan ayaa imanaysa xilli Maraykanku ka baqayo in maxkamad lala fuulo hubka uu leeyahay ee lagu xasuuqay shacab masaakiina.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINERWS