X

Maraykanka oo tijaabiyay gantaalo gaaraya Woqooyiga Kuuriya xilli Kuuriya uu u diidayo

Maraykanka ayaa tijaabiyay gantaalo gaaraya Woqooyiga Kuuriya xilli Kuuriya uu kala dagaalamayo in ay yeeshaan gantaalo sidaasa. Inkastoo Trump ka baqay in uu weeraro Woqooyiga Kuuriya.

Woqooyiga Kuuriya ayaa isku filan oo aan dal ku dhici Karin maadaama ay haysato awooda hubka nukliyeerka ee dhulka iyo duunyada u xun.

Meelaha lagu tijaabiyo hubkan naqaska ah ayaa inta badan noqda lama degaan maadaama qiiqa suntan lagu dhimanayo dadkuna cuni Karin abuurka ka soo baxa goobtaas.

Wasaarada difaaca Maraykanka oo ku faanaysa gantaalahan ridada dheer ayay ku sheegeen mid ay ku hubinayaan awooda difaaca dalka ee dhinaca nukliyeerka.



Maraykanka ayaa la sheegay in uu haysto ilaa 500 oo gantaalo noocan u rido dheer oo qaarad ilaa qaarad ah inkastoo aan la tirin halka Ruushku haysto in ka badan taas kana awood badan yahay Maraykanka.

Weerar uu xagjir Trump ku qaado Kuuriyada Woqooyi ayaa keeni kara cawaaqib xumo aanu ka faaiideyn maadaama Kuuriyada Woqooyi haysato hub aan la dhayalsan Karin.

Tijaabada gantaaladan ayaa muujinaysa baqdin soo wajahdey Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.