X

Maraykanka oo u soo jeedsadey inuu joojiyo gantaalo Turkigu ka iibsadey Ruushka

Maraykanka ayaa u soo jeedsadey inuu joojiyo gantaalo Turkigu ka iibsadey Ruushka. Maraykanka oo Turkiga cirka u direy markii ay ka codsadeen in laga iibiyo gantaalihii lagula dagaalamo diyaarada ee Patriyootika, ayaa hadda ka hinaasay hubka casriga ee Turkigu ka iibsadey Ruushka ee S-400.


Gantaalaha lagula dagaalamo diyaaradaha ee S-400 ayaa ah kuwa ugu casrisan aduunka aadkana looga baqo, waxana Turkigu iibsadey markii Edrogan ay diideen barlamaanka dalkaasi in laga iibiyo gantaalaha Maraykanka.


Barlamaanka dalkaasi oo ay codad dheer ku hadleen Yuhuudu ayaa yiri ”waa qalad in la siiyo gantaalo noocana dal Muslim ah oo dagaal kula jira Yuhuuda.

Hadase markii Ruushku siiyay hubkan casriga oo ku kacay 2 bilyan oo doolar, waxa Trump ka dhaadhiciyay barlamaanka in lacagtaas dalkeenu u baahan yahay, maadaama aynaan la dagaalami doonin Turkiga mustaqbalka.


Ruushka ayaa sheegay in heshiiskii uu Turkigu ku iibsadey sidiisa yahay, ayna ka walaacsanayn in Turkigu siin doono sirta ku xeeran gantaalaha cadowga Maraykanka. Ruushka ayaa la filayaa inuu qaybta ugu horeysa ee gantaalahan u soo gudbiyo Turkiga sanadka soo socda.


Turkiga ayaa codsaday in loo soo dedejiyo gantaalahan. Si kastaba ha ahaatee waxay hadda u taalaa Turkigu inuu diido inuu iibsado gantaalo markii hiore loo diidey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.