X

Maraykanka oo war ka soo saaray duqeymo lala eegtay argagixisada Koofurta Somaliya

Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeymo lala eegtay argagixisada Koofurta Somaliya. Duqeymo Maraykanku ka gaystey deegaano hoostaga Shabeelooyinka ayaa lagu sheegay in laga gaaray hadafkii la lahaa.



Weerar duqeyn oo xalay dhacay ayaa argagixiso lala beegtay. Waxay sheegeen in duqeynta looga hortagey weerar isqarxin oo ku soo socotey Muqdisho.

“Ciidanka Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM.



Waxa intaas lagu daray in iskaashiga ay qayb ka ahaayeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.