X

Maraykanka oo war ka soo saaray horjooge ka tirsan argagixisada shabaab oo ay dileen

Washington–Maraykanka ayaa war ka soo saaray horjooge ka tirsan argagixisada shabaab oo ay ku dileen diyaaradaha aan is wadin. War qoraala oo ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ay hubiyeen geerida horjooge Aadan Garaar oo lagu dilay deegaan u dhow Diinsoor.

Aadan Garaar ayaa qayb weyn ka ahaa xasuuqii ka dhacay xarunta laga dukaamaysto ee Westgate ee ku taala caasimada Kiiniya sanadkii hore sida lagu sheegay qoraalka.

Dowladda Maraykanka ayaa ku sheegtay dilka Garaar in uu niyad jab ku yahay argagixisada shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dowlada Obaama ayaa intabadan waxa ay weeraro gantaalo ah sanadihii lasoo dhaafay ka fulisay gudaha Somaliya kaasi oo ay ku dhinteen Xubno uu ka mid ahaa hogaamiyihii argagixisada shabaab Axmed Godane.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.