X

Maraykanka oo xaqiiqsadey in hubka Woqooyiga Kuuriya ridey dhulka la simayo

Maraykanka ayaa xaqiiqsadey in hubka Woqooyiga Kuuriya ridey dhulka la simayo oo ayna Jiri doonin been laysku sheego iyo xukun ka tuuris lagu sameeyo Woqooyiga Kuuriya.

Jamhuuriyada Woqooyiga Kuuriya ayaa waxa ka taliya wiil dhalinyaro ah laakiin caqli badani ku jiro oo xaqiiqsadey in ay kaliya gacantooda isaga celin karaan cadow kasta oo isku daya in uu soo weeraro oo uu ugu weyn yahay madhabyada hantigoosadka.



Maraykanka oo raba in xukuumad caqiiqadooda aaminsan at ka dhalato Woqooyiga Kuuriya.

Gantaalihii ugu dambeeyay ee Woqooyiga Kuuriya gantey Jimcihii wuxuu toos u garaacayaa dhamaan Maraykanka waxana Khuburadu hadda xaqiiqsadeen in Woqooyigu aanu kaftamayn.



”Waa in aan runta isku sheegnaa oo aan xaqiiqsanaa in Woqooyiga Kuuriya dhulka inala simayso oo aynaan u hadlin si caqli xumo ku jirto ayaa laga soo xigtey sarkaal sare u hadlay wasaarada difaaca oo qariyay magaciisa”

Khuburada gantaalaha ayaa xaqiijiyay in gantaalka Woqooyiga ridey uu yahay ridadiisu 1000km laakiin mudada uu socdey ay tahay 47 daqiiqo ay xataa Washington ay saaran tahay daawaha.

”Waxa Woqooyiga Kuuriya gantaalkaas u ridey si dhinaca haddiise si toosa loo ridi lahaa way dheeran lahayd mudada gantaalkaasi duulayo ayuu yiri khuburo dhinaca gantaalaha u qaabilsan.



Waxay sheegeen in Trump daarihiisa dhaadheer ee New York ay yihiin kuwa uguy horeeya ee dhulka galaya. Waxay khuburadu ku soo gabagabeeyeen in hadda Woqooyiga Kuuriya looma dhaqmo dal laga BAQO.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.