X

Maraykanku muxuu ka yiri xasuuqii ka dhacay Hawadaay ee Oromadu gaysatey

Maraykanku muxuu ka yiri xasuuqii ka dhacay Hawadaay ee Oromadu gaysatey. Waa xasuuqii ugu xumaa ee ka dhaca Itoobiya halkaa oo 55 qof oo aan waxba galabsan safaf lagu diley.

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay dowladda Itoobiya in ay baaritaan deg deg ah ay ku sameyso xasuuqii ka dhacay halkaasi.



Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa  sheegtay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun oo lagu xasuuqay dadka Shacab ah oo aan waxba galabsan.



Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay.

 Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya.



Maamullada deegaanada Somalida iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.