X

Maraykanku waxay ka baqayaan dagaal ay la galaan Ruushka: TARAM

Xilli sicir bararkii ugu xumaa muddo afartan sano ah uu ku habsaday Maraykanka ayaa madaxweynaha hadda ku eedeeyay Ruushku inuu ka masuul yahay halka madaxweyne Buutin oo dalkiisa weerar dhaqaale lagu soo qaaday uu sheegay inaanu shaqo ku lahayn sicir bararka.


Taram oo la hadlaayay warbaahinta ayaa tilmaamay inkastoo Maraykanku nukliyeer haysto haddana ay cabsi xoogleh ka qabaan dagaal lala galo Ruushka oo ka awood weyn marka ay noqoto dagaalka Nukliyeerka iyo midka tooska ahba.


”Waxaan ka baqayaa inuu dagaal weyn qarxo waxana taas ka sii daran karti xumada maamulka hadda ka jira Maraykanka ayuu yiri Taram oo xilligiisii keliya weeraray Siiriya iyo cuqdad uu u qabo Muslimiinta oo uu cod kaga heli jirey xaqjiriinta Maraykanka.



”Halis ayaa jirta ah inuu qalad dhaco taasina ay keento in la adeegsado hubka nukliyeerka ayuu raaciyay Taram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.