Shirkan haweenka qaranka oo aad loo sugaayay ayaa maanta marwada qaranka Saynab Cabdi Macalin ayaa daahfurtey ayadoo u mahadcelisay dhamaan dadkii soo diyaariyay qaban qaabada.
Kadib waxa loo tacsi loo direy dadkii kooxda gaalaynta Muslimiintu ku xasuuqeen Muqdisho oo manta madaxweynaha Somaliya booqasho ugu tagey dhaawacii ka haray xasuuqaa isbitaal Madiina.
Waxa kale oo aad loo xusey tacadii lagula kacay Caasha Aadan Ilyaas oo ila hadda la sugayo in abaalmariyo wuxuushtii sidaa u gashay oo hadda la sheegayo in ay dabada geliyeen qabiil.
Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka ka dib burburkii dowladda dhexe oo la’aantood caruur badan ayna badbaadeen.
Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa lagu lafo-gurayaa arrimaha haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha dhowraya xuquuqdooda kala duwan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS