Maryan Nuux Muuse oo ah gabadha qudha ee Soomaaliya uga qeyb galeysa ciyaaraha Olimbikada aduunka ayaa lagu wadaa inay caawa u safato kulankeedii ugu horeeyay.
Maryan Nuux Ayaan haysan tababar xoogan lamana filayo in ay kaalin fiican so gaarto waxase dadka Somalidu ku farxeen calanka ay sida iyo magaca ay xambaarsan tahay.
Indhaha Soomaalida ayaa wada eegaya orodka is reebreebka ah ee caawa oo ay ka dhex muuqato gabadha qura ee Soomaaliya u meteleysa ciyaaraha, iyadoo uu wehliyo Orodyahanka kale ee Maxamud Daa’uud oo isna safan doona habeen danbe.
Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee ka socda magaalada Rio De Jenerio ee dalka Brazil ayaa galay marxaladihii orodada oo ah kuwa ugu xiisaha badan. Waxayna Maryan ku tartami doontaa orodka 400 mitir.
Laba orodyahan oo Ingiriiska uga qaybgalay orodada ayaa halkaa iska dhiibey markii laftooda ay Qatar geliyeen argagixisada shabaab oo diidan dhamaan ciyaaraha.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS