X

Masar oo dhisaysa caasimad cusub kana guuraysa Qaahira laakiin imisaa ku baxaysa waana halkee

Shamal shaykh–Masar ayaa ku dhawaaqday in ay dhisayso caasimad cusub xilli shirka maalgelinta uu si xawli ah uga socdo dalkeeda qaasatan magaalada dalxiiska loogu talogalay ee Shamal Shaykh. Masar ayaa sheegtay in caasimada hadda ay saxmad iyo dad xad dhaafa ku noolyihiin loona baahday in culayska laga dulqaado.

Waxa dad badan iswaydiinayaa cida maalgelinaysa waxana la sheegay in dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Kuwayt ay bixin doonaan maalgelinta ugu badan inta soo hadhayna ay bixin doonto dawlada Masar oo inta badan la kabo dhaqaalaheeda.

Caasimada cusub ayaa laga dhisi goob ku dhegan caasimada hadda waxana ku bixi doonta 30 bilyan oo doolar taasoo abuuri karta shaqaale gaaraya hal milyan oo Masaari ah xilli Masar ay u baahan tahay in ay shaqo abuur u samayso dadkeeda fiqiirka ah.

Naqshadeeye u dhashay Imaaraadka oo dhisay dhismaha ugu dheer laguna magacaabo Maxamed albara ayaa isagu sheegay in uu dhisi doono caasimada cusub ee Masar oo wali aan loo bixin magac.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.