X

Masar oo ku guuleysatay balaadhinta biyomareenka Suweys oo hadda labada dhinacba looga socon karo+SAWIRO

Madaxweynaha Masar ayaa furey dib u balaadhinta biyomareenka Suweys halkaas oo maraakiibta u kala gooshaya Yurub iyo Eeshiya ay si dhaqso ku tagi karaan labada qaaradood oo ganacsiga ugu badan hadda uu ka dhexeyo sida Hindiya iyo Shiinaha. Madaxweynaha Masar Siisi oo xiran dharka milatariga ayaa markab ku dul marey biyo mareenka cusub isaga oo ay la socdaan madaxda aduunka.

Masar ayaa rajaynaysa in ay biyomareenkan cusub ay sanadkii ka soo gasho bilyano doolar taas oo keenaysa in Masaari farabadan ka helaan shaqo.

Waxase jirta dhinaca in dadka qaar ay leeyihiin in lacagta lagu bixiyay oo bilyano doolarka lagyu bixin karey meelo kale oo u baahan sida dhismaha adeegyo kale oo dalku ku dambeeyo.

Amaanka goobta ayaa si xoogleh loo adkeeyay iyadoo laga baqayo in argagixisada caalamiga ah ka gaystaan qaraxyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.