X

Masuul ka tirsan guriga C/welli Gaas oo la diley

Inaa Li Laahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun, waxaa mardhaweyd magaalada Boosaaso lagu diley Ilaahay haw naxariiste maamulihii xarunta madaxtooyada Puntland.

Waxaanay wararku sheegayaan in dabley hubeysani ay madaxa ka toogteen, isaga oo fadhiya Huruuse Hutel ee magaalada Boosaaso.

Alle ha u naxariiste Aadan Gaas Huruuse waxaa uu mudo gaadheysa 12-sano maamule ka ahaa xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso.

Ilaa hada lama hayo cidii ka danbeysay dilka maamulaha, ciidanka amaanka ayaana ku daba jira

Waaana dilkii labaad eel ix maalmood gudahood ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso,iyada oo maalinimadii Khamiistii aynu soo dhaafnay ee todobaadkan rag hubeysani ay dileen taliye xigeenkii ciidanka booliska ee magaalada Boosaaso, sareeye gaas Jaamac.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.