Masuul ka tirsan Puntland ayaa ku dhaawacmey shil. Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari Shil gaari oo halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku dhaawacmay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland.
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland qaybta Malaariya ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac ka dib markii uu shil galay gaari uu la socday.
DR: C/kariin Xuseen Xassan agaasimaha Malaariyada ee wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhaawac kasoo gaaray madaxa iyadoo wararku sheegayaan inuu diirmay madaxa qaybta Kore iyo lugaha mid kamid ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS