X

Masuul taageersanaa Yuhuuda oo la eryay oo dalbadey in amnigiisa la sugo

Xubin ka tirsanaa wasaarada arimaha dibeda ee Somaliya oo dhawaan taageero u muujiyay Yuhuuda ayaa dalbadey in amnigiisa la sugo oo halis ugu jiri koxaha argagixisada inay kaga takhalusaan. C/llaahi Dool ayaa codsi sidaasa  u mariyay madaxda Somalida wargeys Yuhuuda ka soo baxa.


C/llaahi Dool ayaa bartiisa baraha bulshada ku qorey inuu taageersan yahay xiriir ay yeeshaan Somaliya iyo Yuhuuda  xili Yuhuuda maalinwalba xasuuqdo shacabka Falastiin, oo ay dhinaca kale ka dilayaan Carabta ay walaalaha yihiin.

Waa masuulkii ugu horeeyay ee taariikhda Sonalida dhiibta fikir noocaasa, xilli Carabta badankeedu ay xiriir hoose iyo mid cadba la leeyihiin Yuhuuda sida wahaabiyada Sucuudiga iyo Cumaan.


“Waxaan hadda joogaa meel aan ka fogeyn dalkeyga hooyo ayuu yiri C/llaahi Dool oo ah ruug cadaa ku soo jirey siyaasada arimaha dibedda, waxaanse jeclaan lahaa inaan dalkeyga si nabada ugu noolaado, waxaanse halis ugu jiraa in xagjirku i dilaan ayuu ugu calaacalay wargeyska Yuhuuda.


Wargeyska ayaa sheegay in waraysigan ay ku qaadeen aalada wasabka iyo iimaylo ay ku wada xiriireen. Wuxuu wargeysku intaas ku daray in C/llaahi Dool amaanay dadaalka Yuhuudu ku tageyso dayaxa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.