Xalay ayay ahayd markii argagixisada shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen huteelada Muqdisho si ay xasuuq badan u gaystaan. Weerarka dhiigmiiratada ayaa dhacay xilli dadka iyo askartuba qaar u taagnaayeen cibaadada RABI qaarna wali cunayeen afurkii intii u dambeysay. Hadaba masuuliyiin ku jiray huteelada ayaa sheegay in askartii huteelku ayna marnaba siinin fursad ay ku soo galaan argagixisadu.
Xataa Huteel Siyaad oo argagixisadu gudaha u soo galeen oo weerarku socday ilaa 11:00 xalay saacada Muqdisho ayaan dadkii ku jiray waxba ka soo gaarin. Guusha ugu weyn ee ay ciidamadu gaareen ayaa ah in ay dhamaan khaarajeen dhalintii beenta loogu sheegay janaan gacanta ku hayna ee aan salaada tukan.
C/llaahi Warmooge, Muqdisho
ARAABINEWS.COM