X

Masuuliyiinta Kiiniya oo albaabada isugu dhuftay maqaaxi Shiineys ah oo diidey Afrikaanka xilliga habeenkii

Nayroobi–Masuuliyiinta Kiiniya ayaa xiray maqaaxi Shiineysa oo diiday in ay u adeegto Afrikanka xilliyada habeenkii laakiin ogol Afrikaanka Shiinaha la socdo ama cadaanka kale. Jariirada Daily Nation ayaa u dirtey wariyeyaal maqaaxidan sanadkii hore waxana loo shegay in xilligii Afrikaanku dhamaaday dibna loo celiyay.

Mulkiilaha maqaaxida ayaa sheegay in sababtu ay tahay dhinaca amniga oo ay adagtahay yaa argagixiso ah yaanse ahayn xilli sanadkii hore la jabsaday maqaaxida, waana go,aan aan qaadanay sanadkii hore si aan u ilaalino macaamiishayada ajaanibta ah ayaa laga soo xigtey.

Mulkiilaha waa hore loo ganaaxay maadaama uuna haysan laysan uu ku shaqeeyo kuna iibiyo khamriga waase la soo daayay.

Si kastaba ha ahaatee dadka badankiisa ayaa qaba in tani tahay cunsuriyad iyadoo ay caasimada ka furan yihiin tobaneeyo kale oo maqaaxi ay leeyihiin muwaadiniin Shiine ah.

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.