X

Maxaa hadhsan oo loo sugayaa doorashada madaxweynaha

Waxa wali la sugayaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dadku ku rajo weynyihiin in la bedelo fadhiid Xasan Sheekh, maxaase hortaagan doorashada.



Qorshaha Doorashada Madaxweynaha ayaa ah howsha ugu horeysa uguna adag ee hortaalla Baarlamaanka, laakiin waxaa arrinta sii adkeeyay aqalka sare ee Baarlamaanka oo wax ka dooranaya Madaxweynaha, kaasoo aan weli la soo dhameystirin.



Somalida ayaa is waydiinaya xilliga ay qaateen nidaamka qaldan ee Maraykanka oo aqalka sare dooranayo afhayeen aan loo baahneyn, xilli aqalka sare gebigiisu yahay xaaraan bilaa sharciya.

Hadaba hawlaha qabyada ah ee murugsan waxa ka mida:

1. Dhameytirka Doorashada Aqalka sare oo 5 xubnood oo ka iminaya Somaliland hadhsan yihiinka

2. Dhaarinta xildhibaanada Aqalka sare



3. Doorashada afhayeenka Guddoonka cusub ee Aqalka Sare.

4. Magacaabidda Guddiga Doorashada Madaxweynaha (oo su’aal ka taagan tahay inuu labada aqal ka dhaxeyn doono iyo in kale).

Fowdada hadda jirta waxa abuurey kooxda Madasha oo wali wada hadlaya. Waxa dib u soo noqdey qaar ka mida kooxda madasha oo dalka gelisay khalkhal siyaasadeed.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.