X

Maxaa ka dhigey heshiiska Berbera mid aan u cuntamin dadka deegaanka

Maxaa ka dhigey heshiiska Berbera mid aan u cuntamin dadka deegaanka ama gobolka. Waa su’aal dad badani is waydiinayaan waxaanan weydiiyay qaar ka mida shacabka Hargeysa ku nool.



Jawaabta ii soo baxdey marka laga yimaado in dawlada Somaliya diidey ayaa aad ka naxaysaa. Xasan Maxamuud Cali waa odey Somaliyeed oo ku nool Hargeysa wuxuu suaalo badan iska weydiiyay heshiiska.

” Waar markii horeba maahan wax xalaala hal xaaraan ahina ma dhasho mid xalaala ayuu yiri.

Naasir Yuusuf ayaa isna ku daray waxa wax kharibey waa wiilka uu sodoha u ahaa Siilaanyo oo lacago badan lagu sheegayo in uu u soo xereeyay Siilaanyo iyo xaaskiisa iyo inta ku xeeran.



Waana sababta keentay in dadka Hargeysa ku nool xataa ayna ku kalsooneyn heshiiskan.

Imaaraadka Carabta oo Somalidu maalgashato ayaa intuu Somali u gargaari lahaa raba inuu musuqw kula dhaqmo kheyraadka dalkana si fudud ku helo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.