Bariiska caaga ah oo halis caafimaad leh oo la sheegay in Hargeysa laga kariyay isla markaana qof loo keenay uu ka shikiyay cunidiisa uuna qaadey kuna sameeyay baadhid rasmiya sida warkan laga soo xiganayo wargeyska geeska.
Caaga bariiska u eg ayaa inta badan lagu arkey dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo qashinka ku soo quba Somaliya oo ah dal burbursan ayna ka taliyaan maamul jufeedyo tamartoodu aad u llidato kuna mashquulshan sii xaalufinta hantida yar ee hadhey.
Nin la hadlay wargeyska geeska oo ka soo baxa Hargeysa laakiin sida uu qorey diidey magaciisa oo diidey ayaa laga soo xigtey in bariiskan caaga ah uu indhihiisa ku arkey loona keenay.
Maamulka Somaliland oo ka mida maamulada dalka ayaan lahayn barnaamijka cunto-eegida haday jiraana aan lahayn tayo ay ku kala gartaan cuntooyinka soo galaya gobolka.
Waxase amaanleh haweenka Somaliyeed oo kala shaandheeya bariiska kana gura huubada oo markaaba soo saaraya in bariisku bugyahay iyo inkale. Waxa kale oo dalka soo gala daawooyin tayo xun oo laga keeno wadamo liita sida Bakistaan, Hindiya iyo Shiinaha.
Runta ka dambeysa bariiska caaga
Waxa inta badan lagu gartaa bariiska bugta ee caaga ah in uu salalo marka biyo lagu shubo halka bariiska caadiga uu dego. Bariiska cad oo laga saaro nafaqada ku jirta ayaa inta ah nooca lagugu khaldi karo halka bariiska cagaarka ah ee nafaqada leh aan lagugu qaldi Karin.
Mida kale lama hubo in bariiska caaga ah uu yahay wax runa maadaama caagu ka qaalisan yahay bariiska caadiga ah oo ayna macquul ahayn in baayacmushtar ahaan loo isticmaalo.
Muuqaal lagu faafiyay barta bulshada ee Shiinaha oo faysbuuga la soo geliyay ayaa si aada loo daawadey, waxase markii dambe la ogaadey in caagaasi ahaa mid loogu talogalay warshadaha oo siyaabo kale loo isticmaalo.
Waxayse muujinaysaa in arintani ku kooban tahay Shiinaha marna lagu arkey isla Shiinaha haweenay isku daydey in ay kariso caagaas. Waxase runa in aanu jirin wax la yiraa bariis caaga oo ayna isku meel galayn erayga bariis iyo caag.
Guud ahaanse waxay u baahan tahay taxadir maadaama aynaan ku nooleyn dal dawlad leh.
Warbixintan waxa dhinaca Hargeysa laga soo xigtey wargeyska geeska halka warbixinta kale uu diyaariyay Maxamed Yuusuf
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS