X

Maxaa ka jira in Farmaajo diidey 80 milyan oo doolar si xiriirka ugu jaro Qadar

Maxaa ka jira in Farmaajo diidey 80 milyan oo doolar si xiriirka ugu jaro Qadar. Warkan oo ay qortey jaraaid la yiraa Middle east Monitor ayaan la xaqiijin Karin warka ay qorto.

Wargeyska laga soo xigtey ayaa waxa laga qoraa Qadar waana la fahmi karaa siyaasada uu ciyaarayo. Warkan ayaa sidoo kale laga soo xigtey wasiir aan la magacaabin taas oo warkan oo dhan ka dhigeysa mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Salafiga Sucuudigu wuxuu taageero ka haystaa Yuhuuda iyo Maraykanka umana jilcayo Qadar oo kaliya ilaa hadda ku xiran Turkiga oo uu ka taliyo Erdogan oo ka tirsan urur diimeedka akhwaanka.



Salafiga Sucuudiga ayaa u nixi waayay xilligii Yuhuudu garaacaysay ururka Xamaas ee akhwaan Muslimiin kuna raacsanaa Yuhuuda.

Xasan Sheekh ayaa hore u qaatey lacag markii Salafiga Sucuudigu xiriirka u jaray Iraan oo urur diimeedkoodu iyo wadaadadoodu aad u neceb yihiin kana dhaadhiciyaan ummada Somaliyeed in ay ayaguna nacaan.



Si kastaba ha ahaatee warkan yaan loo qaadan mid saxa maadaama meesha uu ka soo baxay ay tahay meel qaldan oo aan dhex dhexaad ahayn. Dadka badankiisa ayaa qaba in uu hadda bilaabmey dagaalka u dhexeeya labada urur diimeed ee akhwaan Muslimiin iyo Salafiyiinta Sucuudigu ugu weyn yahay.

Erdogan ayaa hadda sheegay in Imaaraadku lacag ku bixiyeen sidii dawladiisa loo afgambi lahaa waxayna soo faqayaan bangiyada iyo dad ay qabteen.



Dawlada Somaliya waxa u fiican in ay gooni ka istaagto labadan urur diimeed si xuna ula dagaalanto Salafiyiinta oo dhaqan gediyay dhaqankii Somalida.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.