Waxaa daraad soo baxdey warqad uu ku saxiixan yahay safiirka Somaliya u jooga Sucuudiga oo lagu amrayo qunsuliyada joogta Jidda inay muddo 30 maalmooda ku soo noqdaan caasimada dalka. Waxa jira xiriir aan fiicneyn oo ka dhexeeya Somaliya iyo wahaabiyada Sucuudiga oo dagaal u gooniya kula jirta Yaman oo dal faqiira.
Warqada uu ku saxiixan yahay safiirka ayaa wareegaysa saxaafadaha Somaliya ayagoo kala koobi gareeyay ilaa haddana ma jirtaan war rasmiya oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibedda ee Somaliya.
Haddii ay rumeydo ayaa waxa muuqanaysa in Sucuudigu kordhiyay xumaatada uu u qabo Somalida lagana yaabo in uu faray Somalida ina la baxaan qunsuliyada.
Si kastaba ha ahatee Somaliya waxba ku waayi mayso xiriirka ay jarto wahaabiyada Sucuudiga iyo kuwa la midla ah. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in muran ka dhex taagan yahay isla masuuliyiinta loo yeeray si loo xaliyo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS