X

Maxaa ka jira in Farmaajo Muuse Biixi kula kulmayo Itoobiya

Waxa baryahan jirey warar sheegaya in raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed uu amrey in Muuse Biixi yimaado Addis ababa oo cabadhafiisa hordhigo madaxweynaha Somaliya. Lama hubo in Farmaajo aqbakay in Cabi Axmed u noqdo kulansiiye ayadoo ay ka soo hirjeeda in Somali lagu wada hadashiiyo dibedaha.


Muuse Biixi oo gooni goosad ah ayaa cabasho badan ka gudbiyay Farmaajo taas oo ku dhacdey dhego madhan iyo cida ay u gudbiyeen oo og sidaasna aan waxba ka soo qaadin.


Su’aasha la is weydiinayo ayaa ah in Farmaajo aqbalay codsiga sidaas ah iyo weliba waxa dawlada uga soo kordhayo la hadalka Muuse Biixi oo aan haysan taageerada qabiilkiisa oo baryahan ilaaway sheekada ixtiraaf raadinta.

Cabi Axmed laftiisa ayaa la sheegay in Imaaraadku dabada ka riixayo si loo marsiiyo dawlada Somaliya ogolaanshaha saldhiga milatari ee ay ka dhisanayo Berbera oo hadda la ogaadey in Maraykanka iyo Yuhuuduna ku daba jiraan.


Ilaa hadda ma cada waxa Cabi Axmed ka helayo arin Somali u dhaxaysa inuu farageliso inkastoo aan ognahay in Muuse Biixi iyo maamulkiisa jecelyihiin in dawlado gaala ah soo farogashaan, taas oo ay ku helaan sumcad saxaafadeed iyo in aduunku barto.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Farmaajo aadi doonin kulan noocaasa oo ayna jirin inuu ka ogolaadey Cabi Axmed uuna qabo in Muuse Biixi Muqdisho yimaada haduu cabasho qaba.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


u

admin:

This website uses cookies.