X

Maxaa ka jira wararka sheegaya in argagixisadu joojisay shaqada garoonkii kubada ee Muqdisho

Maalmahan ayay ahayd markii ay qoreen warbaahinta argagixisada raacsan iyo kuwa diidan dawladnimada ee u shaqeeya cadowga in hawshii ka socotey garoonka Stadium Muqdisho ee kubadda cagta ay argagixisadu joojisay. ”Waad u jeedaan in ayna wax hawla oo joogsatey


Garoonkan ayaa ku burburey dagaalkii u dhexeeyay Hawiyaha ee ay ku burburiyeen hantidii dadka ee magaalada iyo tii guudba, dadkiina ku barakiciyeen muddo ku siman 9 sanno.

Rasiisal wasaare xigeenka Mahad, wasiirka ciyaaraha marwo Khadiija iyo wasiirka warfaafinta Maareeye oo ay wheliyaan gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa booqdey Garoonka tuseyna dadka in hawshu caadi u socoto.


Wasiirka warfaafinta Maareeye ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan shirkadda loo dhiibey dib u dayactirka garoonka oo la tuhunsan yahay inay soo faafsatey wararkan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.