X

Maxaan ka ognahay isgubkii Hodan ee jasiirada Nauru ee Australiya

Maxaa ka ognahay is gubkii Hodan oo magaca u qoran ahaa Hodan Yasin iskuna gubtey jasiirada Nauru oo ay ka taliso dawlada Australiya oo iyadba dadkeedu yihiin qoxooti ka soo tagey Ingiriiska muddo hadda laga joogo 300 oo sano kahor.

Hodan waxay ku tagtey doon dalkaasi Australiya lamase sheegin halka ay doonta ka soo raacday, waxana dalkaasi Australiya mucaaradka iyo dawladuba isku raaceen in dadka doomaha ku yimaada lagu hayo jasiirado ka baxsan Australiya, waxana jirey laba goobood oo lagu hayay dadka ku yimi doomaha.

Australiya ayaa sheegtay in ay sidaa yeelayso iyadoo aan rabin in ay furto wado doomeed lagu soo galo dalka balaadhan ee iyaga lafteedu qoxootiga ku galeen kadibna magaaleeyeen.

Jasiirada Nauru waxa inta badan degan dadka madowga ah ee loogu yimi dalka iyo waliba dadka kale ee cawaanta ah ee degan gobolka jasiirada Papue new Gini iyo dhinaca Indooniisiya.

Waxa si xooga loogu kufsadaa gabdhaha u baxa dibedda waayo cawaanta degan ayaan ogoleyn in ay dalkooda joogaan qoxooti. Goobta dadka ku yimi Australiya doonta la dejiyay waa goob xero milatari ah oo ay teendhooyin aad u kulul una qabow ku rakiban yihiin inkastoo la siiyo wax ay huwadaan. (Sawirka hoose)

Hodan Yasin ayaa ka mida dadka ka cabanaya nolosha mustaqbal la’aanta ah ee ay ku jirtey, ayaa sanadkii hore ka dhacday mooto ama dhugdhugley sida dadku u yaqaanaan waxana loo qaaday gudaha Australiya si loogu daweeyo, waxase dad badan ka xanaaqeen in sadexdii habeenimo dib loogu celiyay jasiiradii laga keenay. Lama sheegin sida ay mootada uga dhacay iyo cida waday.

Hodan ayaan xilligaasi si fiican uga bogsan nabarkii madaxa ka soo gaaray ee markii horeba loogu qaaday gudaha Australiya waa sida ay dhaqaatiirtu sheegeene, ayaa hadana la arkay laba cisho kahor iyadoo IS GUBTEY.

Lama garan karo waxa ku kalifey in ay nafteeda gubto iyadoo maalin kahor u isna is gubey nin Iiraani ah oo ay xerada ku wada jireen. Inkastoo Iiranityiinta ay caado u tahay ISGUBKU (Sawirkiisa hoos ka fiiriya).

Dawlada Australiya oo mucaaradku ku taageersanaa talaabadan dadka lagu haynayo jasiirada ayaa hadda ka gariirtey labadan ficil ee foosha xun waxayse ka digeen in aan sharciga sidaa lagu bedelayn. Waxase hadda Jira in dawladaha yaryar ee ka Jira jasiiradahaas lagu amrey in ayna marti gelin qoxooti-doomeed dambe.

New Zealand ayaa iyadu dalbatey in ay qaado qoxootiga qaar maadaama ay sidaa dalbadeen qoxootigu waxase diidey Australiya oo sheegtay in ay ka cararayso in wado cusub ku furanto.

Shalay oo arbaco ahayd (04 April 2016) ayaa Hodan Yasin loo sameeyay Alle bari iyadoo la cadeeyay in jirkeedu aad u gubtey oo la sheegay in dharkii ku dul dhamaaday, xaaladeedana lagu tilmaamay mid liidata. Allaha u sahlo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.