X

Maxaa ka soo baxay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Waxa soo dhamaaday kulan u dhexeeyay dawladaha Somaliya iyo Kiiniya kaas oo ka dhacay caasimada Kiiniya ee Nayroobi. Waxa kulankan fududeeyay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed kadib codsi ka yimi dawlada Kiiniya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.


Waxa xooga la saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha gaaleynta ee shabaab iyo Daacish loogana sifeyn lahaa gobolka. Kiiniya ayaa ka walaacsanayd in Somaliya ku amarto inay la baxdo ciidankeeda.

Kiiniya ayaa ogaatey in ayna danteeda ahayn inay xiriirka u jirto Somaliya kana xumaatey falkii ay ku kacdey ee ay ku soo eriday safiirkii Somaliya u joogey Kiiniya.


Somaliya ayaa dhinaceeda u sheegtay in arinta badda ayna doodi ka jirin oo la sugayo kaliya waxa ka soo baxa maxkamada isla mar ahaantaasna kulankan kaliya ahaa sidii loo soo celin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.